Ciidamada Xoogga dalka oo fuliyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab

0
Monday May 10, 2021 - 15:09:14 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xoogga dalka oo fuliyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab

    Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ka gaareen guulo wax ku ool ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ka gaareen guulo wax ku ool ah.

Howlgalka oo si gaarka ah kaga dhacay deegaanka Sulaay ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayay ciidamada Xoogga waxay ku baacsadeen maleeshiyada Al-Shabaab oo halkaas dadka marasta ah ku dhibaateynayay.

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Kornel Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in ay jab xooggan ku gaarsiiyeen argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay Wadada Xiriirisa deegaanka Coomaad iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Qalabka sida ayaa wada howlgalo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab oo caadeystay in ay daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip