Saraakiishii xalay ku geeriyootay Qaraxa oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

0
Monday May 10, 2021 - 15:05:33 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiishii xalay ku geeriyootay Qaraxa oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

    Allah u naaxariistee waxa maanta Cisbitaalka Xoogga Dalka ee Muqdisho aas Qaran loogu Sameeyey Taliyihii Booliska Saldhiga Degmadda Waaberi,Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Booliska qaybta Waaliyow Cadde iyo Sarkaal kale oo ka mida Saraakiisha ku Geeriy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allah u naaxariistee waxa maanta Cisbitaalka Xoogga Dalka ee Muqdisho aas Qaran loogu Sameeyey Taliyihii Booliska Saldhiga Degmadda Waaberi,Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Booliska qaybta Waaliyow Cadde iyo Sarkaal kale oo ka mida Saraakiisha ku Geeriyootay Qarax Xalay Argagixisaddu la eegatay Saldhiga Degmadda Waaberi.

Axmed Cabdulahi Baashane Taliyihii Saldhiga Degmadda Waaberi iyo  Cabdi Baasid Maxamuud Cageey Taliye ku-xigeenkii Qaybta waaliyow Cadde ayey Shacabka Soomaaliyeed aad uga murugoodeen Geeridooda,Labadda sarkaal ayaa lagu Xasuusan doonaa sidii naf hurnimadda lahayd ee ay Shacabka ugu adeegi jireen,

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax, Saraakiil Ciidan, qaar kamid ah ehellada iyo saaxiibada saraakiisha qaraxa lagu dilay.iyagoo ilahay uga baryay  in uu Janadii Fardowso ka waraabiyo.

   




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip