Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Beeraleeyda Gobolka Shabeelaha hoose gaarsiiyay Abuurka Noocyada kala duwan ee Dalagyada Beeraha.

0
Wednesday April 14, 2021 - 22:00:26 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Beeraleeyda Gobolka Shabeelaha hoose gaarsiiyay Abuurka Noocyada kala duwan ee Dalagyada Beeraha.

    Wax soo saarka beeruhu waa isha koowaad ee quudisa dadka iyo xoolaha ayadoo dadka Soomaalidu ay yihiin kuwo aad ugu tiirsan xooga muruq maalka ah iyo dhaqashada xoolaha nool, in ka badan kala bar dadka ku nool Gobolka Shabeeladda hoose ayaa ah xoolo-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax soo saarka beeruhu waa isha koowaad ee quudisa dadka iyo xoolaha ayadoo dadka Soomaalidu ay yihiin kuwo aad ugu tiirsan xooga muruq maalka ah iyo dhaqashada xoolaha nool, in ka badan kala bar dadka ku nool Gobolka Shabeeladda hoose ayaa ah xoolo-dhaqato iyo beeraleey, waxaana ka baxa beerahaasi noocyo kala duwan oo dallag ah oo loo isticmaalo farsameynta cuntooyinka.
Ayadoo dhawaan la filayo inuu curto roobka guga ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu gaarsiyay shacabka ku nool Degmada Awdheegle ee Gobolka Sh/hoose dalag abuur ah oo isugu jira dirig iyo galay loogu talagalay dadka aan awoodin iney abuurka beeraha iibsadaan si ay u soo saartaan daglagyada kala duwan ee rabi ku maneystay dhulkeena.

Wasaarada Beeraha Xukuumada Federaalka Soomaliya ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed u wakiilatay ku wareejinta abuurka beeraha dadka beeraleyda ah ee ku nool Degmada Awdheegle maadama ay gacanta ku hayaan amniga ciidanka xoogga.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa abuurka beeraha oo ka yimid wasaarada beeraha xukuumada soomaliya ku wareejiyay kun qoys (1000) oo ka mid ah beraleyda ku dhaqan Owdheegle
Dhul beereedka Gobolka Shabeeladda Hoose wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo leh taariikh is dhaxleysay mudo kabadan 3000 kun oo qarni inkastoo taarikhda beerashada dhulka Somalida ay soo bilaabatay Xiligii casrigii fogaa ee dhulka, hadana wixii ka horeeyay waqtigii isticmaarka, beerashadu waxay ahayd mid aad uxadidan labada daamood ee wabiyada Jubba iyo Shabeele.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip