12-ka April xuska maalinta qaran ee ciidanka Xoogga Dalka (warbixin)

0
Monday April 12, 2021 - 13:12:28 in Wararka by
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    12-ka April xuska maalinta qaran ee ciidanka Xoogga Dalka (warbixin)

    Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah oo lagu soo bandhigo taariikhda dhaxalka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay midnimada iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah oo lagu soo bandhigo taariikhda dhaxalka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay midnimada iyo difaaca qaran kasta oo ka jira Caalamka.

12-ka April,waxa ay ka mid tahay maalmaha qaran ee loo dabbaaldego aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,taasina waxa ay muujineysa in shacbiga iyo dowladda ay mar kasta diyaar u yihiin ka qeybqaadashda xusaska maalmaha qaran ee ku weyn dadka.

Aasaaskii ciidanka Xoogga

Sanadkii 1960-kii,gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii la unkay ciidamada xoogga dalka oo ah cududda koowaad ee laf-dhabarka u ah dowladnimada,isla markaana ka qeybqaadan kara ammaanka guud ee Qaaradda,kan gobolka iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Dhismaha Hoggaanada Ciidanka

Waa dhab ah in dhismaha ciidamada xoogga uu ahaa mid ku yimid dadaal miro-dhal ah oo ay wada lahaayeen bulshada ka dib kolkii la dareemay baahida weyn ee loo qabo waajibaadyada shaqo iyo howlaha qaran ee horyaalla ciidamada,sida 1-ilaalinta xuduudaha dalka,2-difaaca dadka iyo dalka,3-la-dagaallanka argagixisada iyo ka qeybqaadashada howlaha lagu sugayo amniga guud ee gudaha dalka.

ka dib kolkii loo howlgalay kordhinta tayada iyo aqoonta ciidamada xoogga waxaa lagu guuleystay in la sameeyo hogaanno badan oo ka qeybqaata socodsiinta howlaha ciidamada,waxayna kala yihiin hoggaanadaasi:-

1-Hoggaanka Maaliyadda.2-Hoggaanka Saadka.3-Hoggaanka Tababarada.4-Hoggaanka Dab damiska..5-Hoggaanka Caafimaadka ,6-Hoggaanka Isgaarsiinta.7-Hoggaanka Dhismaha.8-Hoggaanka Gaadiidka.9-Hoggaanka Nabad-sugidda.10-Hoggaanka Ciidanka,11- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha.12- Hoggaanka barista dembiyada.13-Hoggaanka Ilaalinta waddooyinka.14-Hoggaanka Dib u dhiska ciidanka.

Waxaa markhaati ma doonto ah sanadihii u dhexeeyey 1964- 1977-dii in Ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo soo hooyay guullo taariikhi ah ka dib markii ay baadigoob u galeen soo celinta dhulalkii ka maqnaa dadka Soomaaliyeed,iyagoo kaashanaya dowladda iyo shacanka oo ka qeybgalay diyaarinta ciidamo xoogan oo leh tiro iyo tayo,isla markaana lagu aamini karo dadka iyo dalka.

Xilligii burburka & soo kabashada

Inkastoo dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay dalka sanadkii 1991-dii ay saameyn ku yeesheen dhismaha qeybaha ciidamada,haddana,waxaa labaatankii sano ee u dambeeyay lagu najaxay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay dhallinyaro cusub oo dhiirri geliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Marka loo eego qaabka ciidamada ay u fuliyaan howlaha kala duwan ee horyaalla iyo sida ay u socdaan dadaalada kale ee ay kaga qeybgalaan horumarka dalka,waxaa xaqiiqo ah in ay yihiin kuwo leh maamuus qaran iyo xasuus gaar ah oo ku qoran qalbiyada iyo baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya,

waxa haboon in xilligaan adage e la marayo loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo sidoo kale in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan difaaca iyo ammaanka guud ee dalka.

Xuska sanadguurada 61-aad ayaa ku soo beegmay xilli dalka ay ka jiraan la tacaalidda cudurka Cronavirus ee loogu magac daray covid 19,sidaa daraadeed,iyadoo la weyneynayo munaasabadda 12-ka April,shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalkaba waxay dhambaallo hambalyo ah hawada u mariyeen dhammaan saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda iyo dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada xoogga dalka meel kasta oo ay ka joogaan dalka.

Ciidamada Xoogga waxaa marxaladdaan adage e lagu jiro la gudboon in ay la yimaadaan niyad bir ah iyo karti lagu wajaho howlaha qaran ee ay u hayaan umadda Soomaaliyeed oo xilligaan sugaya ama ay u muuqdaan mustaqbal wanaagsan.

Ugu dambeyntii Ciidanka Xoogga waxaan u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip