Wasiirka Gaashaandhigga oo u hambalyeeyay saraakiil la dalacsiiyay
Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenadda , iyo dhammaan askartii maanta la dalacsiiyay ee ka qeyb qaadatay jabkii xoogaanaa ee dhawaan argagixisadda ay gaarsiiyeen weeraradii fulaynimada ahaa ee ay ku soo qaadeen Aw-dheegle iyo Bariire.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in uu ugu Hambalyeeynayo Dalacsiinta ay ku muteysteen Difaaca dadkooda ,dalkooda iyo diintooda
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble Sida ay ugu go'antahay Dib-u-dhiska ,Tayeeynta iyo dhiiragalinta CXDS.
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waday dadaalo Xooggan oo lagu dhiiragalinayo CXDS oo wada qorshe ballaaran oo lagu wiiqayo argagixisadda.
Wasiirka Gaashaandhigga oo u hambalyeeyay saraakiil la dalacsiiyay
Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenadda , iyo dhammaan askartii maanta la dalacsiiyay ee ka qeyb qaadatay jabkii xoogaanaa ee dhawaan argagixisadda ay gaarsiiyeen weeraradii