Taliska Booliska oo sheegay in dad loo soo qabtay falkii foosha xumaa ee saaka ka dhacay Baydhabo

0
Thursday April 08, 2021 - 19:40:26 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Booliska oo sheegay in dad loo soo qabtay falkii foosha xumaa ee saaka ka dhacay Baydhabo

    War qoraal ah oo ay soo saareen taliska booliska ayaa lagu sheegay in falkii lagu gowracay labo carruur ah oo walaalo ah loo soo qabtay dad lagu tuhmayo, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah, isla markaana cadaaladda la horgeyn doono haddi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo ay soo saareen taliska booliska ayaa lagu sheegay in falkii lagu gowracay labo carruur ah oo walaalo ah loo soo qabtay dad lagu tuhmayo, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah, isla markaana cadaaladda la horgeyn doono haddii ay ku cadaato falkaasi.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Taliska booliska ayaa sidan u qornaa:-

Shalay 07th-Apr-2021, ayaa Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, lagu soo wargeliyay in la waayay 2 carruur ah oo deganaa Xaafadda Cadaada ee magaalada Baydhabo, carruurtaas oo lagu kala magacaabi jiray :-

1- Cabdimuni Sheekh Aweys Cabdullaahi &

2- Aamina Sheek Aweys Cabdullaahi.

Warbixinta oo la soo gaarsiiyay Booliska ayaa sababtay in la geliyo diiwaanka, baafinta Booliska iyo idaacadaha magaalada Baydhabo.

Saaka 08th-Apr-2021, ayaa markale Boolisku ka warheleen in meydka carruurta oo gowracan la soo dhigay Xaafadda Suuqa-Xoolaha ee magaalada Baydhaba.

Haddaba, waxaa socota baaris qoto-dheer oo ay wadaan Ciidanka Booliska, iyadoo dad lagu tuhmay loo soo xiray arrintaan, walow ay baaristu weli socoto, ciddii ay ku cadaatana Garsoorka awoodda u leh lawaafajin doono.

Waxaan uga tacsiyeeyneynaa, Xildhibaan hore Aweys Sheek Cabdulahi falkaas foosha xun iyo geerida ku timid carruurtiisa, waxaana ilaahay uga rajeynaynaynaa inuu qalbiga u qaboojiyo, Samir iyo iiman ka siiyo, baddal qeyr qabana siiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip