Waxaa Magaalada Muqdisho Kugeeriyooday Faarax Siidoow Faarax Oo Kamid Ahaa Fanaaniinta Caanka Ah Ee Qaranka Soomaaliyeed.

0
Wednesday February 17, 2021 - 22:32:33 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaa Magaalada Muqdisho Kugeeriyooday Faarax Siidoow Faarax Oo Kamid Ahaa Fanaaniinta Caanka Ah Ee Qaranka Soomaaliyeed.

    Allaha u naxariistee Fanaan Faarax Siidoow Faarax oo kamid ahaa Fanaaniinta caanka ah ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa kugeeriyooday magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee Fanaan Faarax Siidoow Faarax oo kamid ahaa Fanaaniinta caanka ah ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa kugeeriyooday magaalada Muqdisho.

Fanaanka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kuxanuunsanayay magaalada Muqdisho balse caawa ayaa tii Alle utimid.

Allaha u naxariistee geerida Marxuum Faarax Siidow Faarax waxaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Faarax Siidow.

 

Marxuumka waxa uu ifka kaga tegay hal xaas iyo 13 carruur ah, waxaana magaciisa saxda ah la oran jiray Faarax Cali Faarax, balse waxa uu caan ku ahaa magaca Faarax Siidow Faarax.

 

Allaha u naxariistee Marxuum Faarax mar uu kahadlay taariikhdiisa ayaa waxa uu sheegay in uu Qur’aanka dhameeyay isagoo sideed jir ah, isla markaana uu Abtigiisa u soo raacay Muqdisho,

 

Sanadkii 1963-kii ayuu ku soo biiray fanka, isagoo hees u qabtay sanadkii 1965 keydka hadlaka ee Radio Muqdisho.

 

Marxuumka ayaa yaraantiisa waxa uu tirin jiray gabayo, isagoo suugaan u qaadi jiray Xisbigii Leegada, isla markaana waxa uu ka mid ahaa aas aasayaasha cayaaraha Hidaha iyo dhaqanka.

Marxuumka ayaa kamid ahaa kooxda fanaan Qaranka Soomaaliyeed ee Waabari wuxuuna qaaday heeso badan oo isugu jira wadaniyada waxbarashada jaceeylka iyo kuwo kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip