Dawladda oo amarro cusub ka soo saartay xakamaynta cudurka Karona Fayras

0
Wednesday February 17, 2021 - 22:16:55 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda oo amarro cusub ka soo saartay xakamaynta cudurka Karona Fayras

    Shir jaraa'id oo galabta ay Muqdisho ku qabteen Wasiirada caafimaadka, Warfaafinta iyo Amniga gudaha oo ay hareer joogeen Taliyaasha ciidamada xoogga iyo Booliska ayaa lagu sheegay in dawladda oo ka duulaysa xaaladda faafista cudurka COVID-19 iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir jaraa'id oo galabta ay Muqdisho ku qabteen Wasiirada caafimaadka, Warfaafinta iyo Amniga gudaha oo ay hareer joogeen Taliyaasha ciidamada xoogga iyo Booliska ayaa lagu sheegay in dawladda oo ka duulaysa xaaladda faafista cudurka COVID-19 iyo talooyinka ay bixiyeen madaxda sare iyo khuburada caafimaadka ay soo saartay amarro cusub oo lagu xakamaynayo cudurka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in la fasaxay shaqaalaha dawladda, marka laga reebo shaqaalaha ka hawlgala meelaha muhiimka ah ee aan adeeg bixinta dawladda looga maarim, lana joojiyey dhammaan kulamada bulshada.

Dawladdu waxay bulshada ku adkaysay in la dhaqangeliyo dhammaan talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga cudurka COVID-19, oo ay ku jirto in la kala fogaado af-xirkana la qaato, waxaana masaajidda, goobaha waxbarashada iyo cayaaraha loo samaynayaa hab nidaamin gaar ah oo lagu ilaalinayo badqabka bulshada.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa xustay in 24-tii saac ee la soo dhaafay ay cudurka ugu geeriyoodeen ilaa 15-qof, 50-kalena ay u jiifaan Isbitaalada dowladda, sidoo kalena ay jiraan dad cudurka u geeriyooday oo aan la diiwaan gelin, taas oo muujinaysa in khatarta cudurku uu sare u kacay.

Waxay sheegtay inay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO la kaashanayaan baaritaanka cudurka COVID-19, si loo ogaado nuuc cusub inuu yahay iyo in kale, iyadoo tallaaka cudurka uu soo gaari doono dalka, kaas oo xakamayntiisa qayb wayn ka qaadanaya.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa isna sheegay in dawladda ay mas’uuliyad ka saarantahay badbaadada bulshada, sidaa darteedna go’aanadan lagu saleeyey aqoon caafimaad iyo xog ogaalnimada xaaladda dalka, waxaana uu intaa ku daray in ciidamadu u xilsaaranyihiin dhaqangelinta go’aanada dawladda ka soo baxay.

Wasiirka oo la weydiiyey banaanbaxa ay musharixiinta xilka Madaxweynaha qaarkood ku baaqeen ayaa xusay inuusan jirin ogeysiin rasmi ah oo dawladda soo gaaray, inkastoo muwaadiniinta uu sharciga dalku siinayo xaq ay fikirkooda ku soo bandhigi karaan, balse aan la ogolayn kulan dadweyne si cudurka looga digtoonaado.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip