Ciidanka xoogga dalka oo soo bandhigay meydadka maleyshiyaadkii xalay hoobiyaasha ku tuuray magaalada Dhuusamareeb "SAWIRRO"

0
Tuesday February 02, 2021 - 17:14:55 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoogga dalka oo soo bandhigay meydadka maleyshiyaadkii xalay hoobiyaasha ku tuuray magaalada Dhuusamareeb "SAWIRRO"

    Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo goordhow warbaahinta kula hadley duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa xaqiijiyay in ay dileen 3-xubnood oo ka tirsanaa argagixisada Al-shabaab oo uu kujiro horjoogihii kooxda u qaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo goordhow warbaahinta kula hadley duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa xaqiijiyay in ay dileen 3-xubnood oo ka tirsanaa argagixisada Al-shabaab oo uu kujiro horjoogihii kooxda u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Waxaa la soo bandhigey meydka horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir, waxaa kale oo goobta la keenay dhaawaca nin kale iyo afar qori oo ay Ciidamadu ka furteen Maleeshiyaadkan oo ahaa kuwii xalay hoobiyaasha kusoo tuuray xaafado ka mid ah Magaalada.
Howlgalkaan oo ay fuliyeen Ciidamada xoogga Qeybta 21-aad Guutada 15-aad iyo Ciidanka Gor-Gor ayaa lagu soo af-jarey Kooxdaan oo Al-shabaab u qaabilsaneyd arbushida deegaanada hoostaga Dhuusamareeb oo muddooyinkaan ay ku dhuumaaleysanayeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip