Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay

0
Monday February 01, 2021 - 15:48:45 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaarayneysaa weerarka argagixiso ee waxashnimada ah ee lagu qaaday hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho. Ilaa hadda inta la og yahay, waxaa weerarka ku dhintay 5 qof oo ku jiro General Maxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaarayneysaa weerarka argagixiso ee waxashnimada ah ee lagu qaaday hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho. Ilaa hadda inta la og yahay, waxaa weerarka ku dhintay 5 qof oo ku jiro General Maxamed Nuur Galaal, oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxa goobta lagu dilay 3 ka mid ah 4tii dhagar qabe ee weerarka fuliyay halka kii afraadna uu is qarxiyay. Sida uu sheegay Afhayeenka booliska Soomaaliyeed oo Warbaahinta la hadlay.

Ciidamadda Qaranka ayaa ugu dambayn toogtay Maleeshiyaadkii Alshabaab, soona afjaray Weerarkii Argagixisanimo. Galaal waxa uu ka mid ahaa tiro yar oo ka nool dadkii u soo joogay Dhismaha Ciidanka Somalia, xornimaddii kadib, Wuxuuna soo qabtay Xilal kala duwan oo ciidan iyo Wasiirnimo.

Waxay dowladda Federaalku u tacsiyeyneysaa qoysaskii iyo eheladii uu ka geeriyooday General Maxamed Nuur Galaal, oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday iyo muwaadiniinta kale ee ku dhimatay.

Dhamaan intii ku dhimatay naxariistii janno Allah ha ka waraabiyo. Ciidamada dowladda, ayaa ku amaanan sida ay u xaqiijiyaan badbaadinta muwaadiniin hoteelka ku sugnaa markii qarayada lagu weeraray maleeshiyo hubsana ay galeen Hoteelka.

Kooxaha argagixisada, ayaa caadeysatay waxyeelada dadka rayidka ah, kadib markii ciidamada dowladdu kaga adkaadeen furimaha dagaalka, iyadoo laga qabsaday goobo badan, isla markaana inta badan madaxdooda lagu laayay duqeymo cirka ah oo qorsheysan.

Ciidamada amnigu marnaba kama daali doonaan la dagaalanka iyo soo afjaridda kooxaha argagixisada. Wixii faahfaahin ah ee la xiriira weerarka, dib ayaan idiinla soo wadaagi doonnaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip