Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka oo kormeeray fariisimaha ciidanka ee duleedka Balad Xaawo

0
Sunday January 31, 2021 - 17:15:21 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka oo kormeeray fariisimaha ciidanka ee duleedka Balad Xaawo

    Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo kormeer ku sameeyey fariisimaha ciidanka xoogga ee duleedka degmada Beled Xaawo ayaa mar kale dowladda Kenya ku eedeeyey in ay colaad ka hurineyso gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo kormeer ku sameeyey fariisimaha ciidanka xoogga ee duleedka degmada Beled Xaawo ayaa mar kale dowladda Kenya ku eedeeyey in ay colaad ka hurineyso gobolka Gedo.

jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa nasiib-daro ku tilmaamay ciidankii Jabhadda ahaa ee soo weeraray Balad Xaawo oo wali ku jira deegaanada gudaha Kenya gaar ahaan magaalada Mandheera, wuxuuna dhinaca kale sheegay in ay nasiib daro tahay warbixintii Guddiga xaqiiqa raadinta IGAD ee lagu sheegay in ay Soomaaliya gardaran tahay.

"Waxaa ayaan-daro ah maanta waxaa cad oo meeshan ka muuqda, oo ciidankii halkaa ka soo gudbay oo hadda Ciidanka Jabhadda Kenya uu ku dhex jiro in Dowladda Jabuuti ama ismaaciil Cumar Geelle uu yiraahdo ee ma taqaanaa Soomaaliya gardaran waa Ayaan daro,” ayuu yiri taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka.

Sidoo kale, Jeneraal Biixi ayaa sheegay natiijada warbixinta Guddiga IGAD aysan raali ka aheyn Shacabka Walaalaha Jabuuti, balse ay qaas u tahay siyaasadda madaxweyne Cismaaciil Cumar Geelle.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aaminsaneyn warbixinta guddiga, ayna tahay mid u janjeerta dhanka Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip