Madaxweynaha J.F.S ahna Taliyaha C.Q.S oo dalacsiiyay ciidankii jilbaha u aasay duulaankii lagu soo qaaday ciiddeena hooyo.

0
Thursday January 28, 2021 - 19:38:09 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha J.F.S ahna Taliyaha C.Q.S oo dalacsiiyay ciidankii jilbaha u aasay duulaankii lagu soo qaaday ciiddeena hooyo.

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Framaajo ayaa min hal darajo dalacsiiyay ciidamadii jilbaha u aasay duulaankii Jabhadda falaagada iyo ciidamada Kenya oo is garabsanaya ay ku soo qaadeen degmada Beladxaawo ee G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Framaajo ayaa min hal darajo dalacsiiyay ciidamadii jilbaha u aasay duulaankii Jabhadda falaagada iyo ciidamada Kenya oo is garabsanaya ay ku soo qaadeen degmada Beladxaawo ee Gobolka Gedo.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abokar Dubbe oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirada Difaaca, Cadaaladda iyo Saraakiil ciidan ayaa markii ay gaareen Degmada Beladxaawo gaarsiiyay ciidanka fariintii ay u wadeen, oo ahayd in min hal darajo la dalacsiiyay.

Ujeedka socdaalka wafdigaan ay ku tageen Beledxaawo ayaa ah u kuur gelidda xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada, la kulanka maamulka iyo qeybaha bulshada ku dhaqan Beladxaawo, waxaana ay kormeer ku sameen doonaan aagga hore ee ay ciidanka ku suganyihiin iyo goobta lagu hayo maxaabiistii ay ciidamada ku soo qabteen duulaankii lagu jabiyay Cadawga Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip