Dowladda Soomaaliya oo wafdi heer Wasiirro ah u dirtay Gobolka Gedo+Sawirro

0
Thursday January 28, 2021 - 18:45:03 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo wafdi heer Wasiirro ah u dirtay Gobolka Gedo+Sawirro

    Wafdi ballaaran oo ay ka mid yihiin wasiirka Caddaaladda, wasiirada warfaafinta,Gaashaandhigga, iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray maanta Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, si ay usoo qiimeyaan khasaaraha gaaray shacabka iyo xaaladda guud ee Gobolkaas, iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi ballaaran oo ay ka mid yihiin wasiirka Caddaaladda, wasiirada warfaafinta,Gaashaandhigga, iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray maanta Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, si ay usoo qiimeyaan khasaaraha gaaray shacabka iyo xaaladda guud ee Gobolkaas, iyagoo uga sii gudbay Beled-xaawo.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa bulshada ku dhaqan Balad-xaawo ugu mahad celiyay sidii ay u garab istaageen ciidanka xoogga Dalka, isagoo u tacsiyeeyay qoysaskii ay waxyeellada kasoo gaadhay dagaalkii dhowaan halkaasi ka dhacay.

Mudane, Xasan Xuseen Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in la dallacsiin doono saraakiishii hoggaamineysay dagaalkii ka dhacay Balad-xaawo.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in baaris lagu sameyn-doono duullaankii lagu soo qaaday Balad-xaawo, cid-walba oo ku lug yeelatana Caddaaladda la horkeeni doono.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo ka tacsiyeeyay qoysaskii iyo qaraabadii ay waxyeellada kasoo gaadhay weerarkii ay malleeshiyada C/rashiid Janan kusoo qaadeen Balad-xaawo, wuxuuna u mahad celiyay ciidankii ka jawaabay daan-daansiga cadowga.

" Dadkii lahaa Jabhadi majirto kaalaya Baledxaawo arka, dadkii lahaa dhib ma dhicin kaalaya Baladxaawo arka, dadkii lahaa Faragelin ma jirto kaalaya Baladxaawo arka” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

    




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip