Dabageed oo ciidanka Booliska ku booriyay in ay sii laba jibaaraan sugida amniga Baladweyne+Sawirro

0
Tuesday January 26, 2021 - 15:44:41 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabageed oo ciidanka Booliska ku booriyay in ay sii laba jibaaraan sugida amniga Baladweyne+Sawirro

    Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ay wehliyaan xildhibaano, mas'uuliyiinta gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa maanta kormeeray xerada ay degan yihiin ciidanka Booliska e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ay wehliyaan xildhibaano, mas'uuliyiinta gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa maanta kormeeray xerada ay degan yihiin ciidanka Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo ku taalo duleedka magaalada Baladweyne.

Dabageed ayaa kula dardaarmay Saraakiisha ciidamada Haramcad in ay adkeeyaan amniga magaalada Baladweyne si looga guuleysto kooxaha argaxgaxisada ee falalka amni daro geysta.

Sidoo kale, madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa bogaadiyay shaqada adag ee ay Bulshada u hayaan,isagoo ku booriyay in ay sii laba jibaaraan.

Ciidanka amniga ayaa markasta u taagan sidii ay hortagi lahaayeen falalka gurracan ay Shacabka u soo maleegaan maleeshiyada Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip