Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka oo faahfaahin la bixiyey dagaalkii degmada Beled Xaawo.

0
Monday January 25, 2021 - 20:34:20 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka oo faahfaahin la bixiyey dagaalkii degmada Beled Xaawo.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo shir jaraa'id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalkii lagu soo afjaray dagaalkii magaalada Beled Xaawo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo shir jaraa'id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalkii lagu soo afjaray dagaalkii magaalada Beled Xaawo.

Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed oo laga soo abaabulay dal shisheeye oo u shaqayna dano dalka kale iyo gumeysi inay xalay soo galaan magaalada Beled Xaawo, halkaas oo ay dagaal kula galeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in maleeshiyaadkii magaalada soo galay ay galeen labo guri laakiin ay dagaal kala kulmeen Ciidamadda dowladda qeybahooda kala duwan oo difaac adag ku jiray, kuwaas oo sido kale ka taxadaray inaysan khasaaro gaarsiinin hantida iyo guryaha dadweynaha oo maleeshiyaadku gabaad ka dhigteen.

Generaal Maxamed Tahliil Biixi, taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga Soomaaliyeed ayaa sheegay inay Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen maxaabiis badan oo kamid ah Jabhaddii la soo abaabul intii kala ay kala raacdeeyeen, Taliyaha ayaa intaas ku daray in maxaabiista la qabay ay iskugu jiraan qaar toddobaadyo ka hor sheegay cadaadis saraan owgii ay isku soo dhiibayaan dowladda iyo kuwo dagaalka lagu qabtay.

Genaraal Maxamed Tahliil biixi, ayaa ku soo koobay khasaaraha Ciidamada Dagaalkaasi ka soo gaaray dhimashada Taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliska ee magaalada Beled Xaawo iyo labo askari oo dhaawac ah, Asagoona sheegay in si buuxda oo ciidamaddu ay gacanta ugu hayaan magaalada iyo deegaanadda ku dhow.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa tacsi u diray labo qoys oo ay dad kaga dhinteen madaafiicdii maleeshiyaadku turaayey.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip