Ra'iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Hay'adaha amniga iyo Maamulka G. Banaadir "SAWIRRO"

0
Wednesday January 20, 2021 - 23:30:40 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Hay'adaha amniga iyo Maamulka G. Banaadir "SAWIRRO"

    Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay hay'adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faray in la dardargeliyo sugidda amniga guud ee dalka, xiligan muhiimka ah ee dalku k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay hay'adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faray in la dardargeliyo sugidda amniga guud ee dalka, xiligan muhiimka ah ee dalku ku jiro doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhegaystay Hay’adaha ammaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga iyo halka ay marayaan howlgallada lagu xasilinayo dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa loogu baaqay shacabka Caasimadda in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si dhowna ula soo xiriiraan hay’adaha ammaanka, haddii ay dareemaan khataro, maadaama xiligan oo dalku ku jiro doorashooyin cadowga ummadda Soomaaliyeed uu doonayo in uu dhibaato u geysto bulshada.

Eng. Rooble ayaa si gaar ah ugula dardaarmay hay’adaha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta dalka ee xiliga doorashooyinka.

 

 

      




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip