Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gobolka Baay ku Dilay Horjoogihii Gobolkaasi uqaabilsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab.

0
Thursday January 07, 2021 - 17:14:34 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 1328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gobolka Baay ku Dilay Horjoogihii Gobolkaasi uqaabilsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab.

    Kadib markii maleeshiyaadka al-shabaab ay isku dayeen inay weerar kusoo qaadaan degmada diinsoor ee gobolka baay ayay ciidanka xoogga dalka kala kulmeen jab xoogan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii maleeshiyaadka al-shabaab ay isku dayeen inay weerar kusoo qaadaan degmada diinsoor ee gobolka baay ayay ciidanka xoogga dalka kala kulmeen jab xoogan.

Ciidanka ayaa halkaasi kudilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan al-shabaab sidookale waxay gacanta kusoo dhigeen hub iyo agab ciidan .

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in dagaalka diinsoor kadhacay ciidanka xoogga dalka  ku dileen 8 maleeshiyaad ah iyo horjoogihii argagixisada u qaabilsanaa gobolka baay kaasi oo lagu magacaabo Muqtaar Nuuroow oo magaciisa afgarashada yahay Sayid Cali.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in sidookale ay gacanta kudhigeen hub iyo agab kale oo ciidan oo uu kamid ahaa qorigi horjoogaha booshkiisa iyo qalabka war is gaarsiinta ee uu kula xiriirayay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada.

Jeneraal Odawaa  ayaa xusay in ciidanka ay kawar qabeen dhagarta cadawga taasina ay u sahashay inay ka hortagaan dhagartooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip