Saraakiisha Danab oo sheegay in Duqeyn lagu dilay Wariyaal iyo horjogayaal ka tirsan Al-shabaab
Duqeynta ayaa lagu burburiyay Xarunta idaacada ku hadasha Afka Maleyshiyada Al-shabaab waxaana laga sii deen jiray fikirada qaldan ee Maleyshiyaadka iyo horjogayaasha ka tirsan Al-shabaab ay ku qaldi jireen dadka shacabka.
Xiliga weerarka duqeynta Idaacada lagu
bartilmaameysanayay waxaa Xarunta Idaacada Afka Maleyshiyada ku hadasha ka
socday Mid ka mid ah Barnaamiyada lagu qaldo dadka shacabka waxaana gudaha IStudiyaha
ku sugnaa mid ka mid ah Horjogaaysha Al-shabaab.
Xarunta Idaacada la duqeeyay waxaa ku sugnaa
Wariyaal ka tirsan Maleyshiyada Al-shabaab iyo Horjooge ka tirsan Nabadiidka
Al-Shabaab
Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la
hadlayay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in weerarka duqeynta lagu
dilay wariyaal u adeega Maleyshiyada Al-shabaab iyo Horjooge sare oo ka tirsan
Al-shabaab.
Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in
Duqeynta lagu dilay Agaasimaha Idaacada ku hadasha Afka Maleyshiyada Al-shabaab
C/Raxmaan Cali oo Magaca Afgarashada Al-shabaab looga garan og yahay khaashic ,
Wariye Ahamed Dalmar Abuu Warsame,Wariye Maxamed Cali Aadan
Sidoo kale Duqeynta Waxaan lagu dilay Horjooge Ismaciil dubud Shig
shigow oo Xiligaasi lagu wareysanayay Mid ka mid ah Barnaamijyada lagu qaldo
dadka shacabka.
Saraakiisha Danab oo sheegay in Duqeyn lagu dilay Wariyaal iyo horjogayaal ka tirsan Al-shabaab
Degaanka kuunya Barow oo hoostaga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellada Hoose waxaa ku taalay Xarunta ugu weyneed ee Idaacada ku hadasha Afka Maleyshiyada Al-shabaab waxaana lagu bur buriye Xarunta Idaacada Duqeynta diyaaradeed ayaa waxaa iska k