Wasaaradda amniga XFS oo mamnuucday hubka lala galo gudaha Garoonka Aadan cadde.

0
Sunday January 03, 2021 - 20:07:20 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda amniga XFS oo mamnuucday hubka lala galo gudaha Garoonka Aadan cadde.

    Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la joojiyay hubka lala galayo gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la joojiyay hubka lala galayo gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda amniga ayaa arrintan u sababeysay kor u qaadida amniga Garoonka Aadan Cadde iyo tixgelinta cabashooyin isdaba joog ah oo ka yimid maamulka Garoonka oo ku saabsan ammaanka gudaha Garoonka.

Iyadoo la fulinayo amarka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayay Wasaaradda amniga xukuumadda Federaalka waxay ku wargelisay Hay’adaha ku socoto warqaddani iyo kuwa ogeysiiska ku leh intaba, inaan lala geli karin wax hub ah gudaha Garoonka Aadan Cadde si loo dhowro amniga Garoonka, waxaana kaliya loo ogolaaday iney hubka la gelin karaan ilaalada madaxweynaha JFS, Ra’iisal wasaaraha JFS, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta kale, ayaa la faray in ay ciidamada la socda iyo hubkooda ay ku reebaan iriddaha hore ee laga galo garoonka sida Madina gate, Mariina Gate, iyo irdaha kale ee waa weyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip