Ra'iisul Wasaare Rooble oo booqday Xarunta Ciidanka Danab ee Balli-doogle

0
Sunday January 03, 2021 - 16:41:38 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo booqday Xarunta Ciidanka Danab ee Balli-doogle

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar shaqo oo lagu dhiirigelinayo ciidanka Xoogga dalka ku tagey Balli-doogle oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku howl-galaan Ciidanka Kum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar shaqo oo lagu dhiirigelinayo ciidanka Xoogga dalka ku tagey Balli-doogle oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku howl-galaan Ciidanka Kumaandooska Danab Guutada 16.

Ra’iisul Wasaaraha oo xogwareysi la yeeshay ciidanka, ayaa boggaadiyey guulaha la taaban karo ee ciidanka Danab guutadiisa 16-aad ee sida gaarka ah u tababaran ay ka soo hooyeen dagaallada lagula jiro kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada.

"Waxan idin kugu nimid inaan idin xogwareysano oo dhiirigelinayo dadaalkiina ku addan dagaalka aad kula jirtaan cadowga. Maadaama aan hiigsaneyno mustqabalka dhow in ciidamadeennu ay si buuxda ula wareegaan guud ahaan Amniga Qaranka. Iyadoo shaqo aan ka shaqeynayno dhammeystirka hannaanka ciidanka iyo soo celinta xarumahooda, si aan u soo saarno ciidan u diyaarsan hab casri ah oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan agabka, xirfadaha iyo baahiyahooda ciidan.”

Guutada 16-aad ee Danab ayaa sida gaar ah u tababaran, waxayna fulinayaan howlgallo qorshaysan oo lagu beegsanayo ubucda argagixisada, waana ciidan heegan ugu jira sidii ay dalka uga ciribtiri lahaayeen kooxaha banaystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka ayuu uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaruhu taageerada iyo tababarka joogta ah ee ay la garab taagnayd Ciidanka Danab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga dalka ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona bogaadiyey dhabar adeygga, geesinimada iyo sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay dalka ka sifeeyaan argagixisadas caadeystay daadinta dhiigga shacabkeenna.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip