Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan oo Booqday Furumaha Dagaalka ee Gobolka Baay''Sawirro''

0
Saturday January 02, 2021 - 17:21:16 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan oo Booqday Furumaha Dagaalka ee Gobolka Baay''Sawirro''

    Si loo dhiira geliyo Geesiyaasha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Ku sugan Furmaha hore ee dagaalka halkaasi oo kula dirireyaan Nabadiidka AlShabab ayaa maanta Wafdi uu horkacyo Taliyaha Qeybta 60Aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed janara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si loo dhiira geliyo Geesiyaasha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Ku sugan Furmaha hore ee dagaalka halkaasi oo kula dirireyaan Nabadiidka AlShabab ayaa maanta Wafdi uu horkacyo Taliyaha Qeybta 60Aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed janaraal Maxamed Shiikh Cabdullahi Ciirow oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta Iyo Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowlad Goboleedka KGS waxay Gaareen Deeganka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka Baay Halkaasi oo Fariisin u ah Ururka 45-aad guutada 8aad qeybta 60aad ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ujeedada wafdiga ayaa ahaa Ukuur gelida baahiyaha ka jira deeganka iyo dhiira gelinta ciidamada ku sugan halkaasi.

Waxayna si gooni gooni ah ula hadleen inta badan shacabka deegaankaasi.

Waxayna ciidamada ay ujediyeen hadalo dhiira gelin iyo mahadnaq isugu jirey.

Taliyaha ciidamada xooga dalka qeybta 60-aad janaraal maxamed Shiikh C/laahi ciirow ayaa ugu horeyn ciidamada xerada kula hadlay isagoona ku dhiira geliyey iney sii laba jibaaraan la dagaalanka kooxaha Al-shabaab.

Wasiirada warfaafinta iyo tamarta iyo kheyraadka biyaha DGKGS ilyaas saciid cali iyo iimaan cali cabdi ayaa ciidan u muujiyey in mar walba ay garab taagan tahay dowladooda Islamarkaana laga caawin doono dhibaatooyinka la soo dersa.

Waxayna ugu mahad celiyeen dadaalada har iyo habeen ay u heeeyaan umadooda.

Wefdigaan ayaa sidoo kale manta ciidamada ku wareejiyey lacago loogu talagalay in xoolo ay ku soo iibsadaan.

 







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip