laamaha amniga Dhuusamareeb oo loo furay tababar ku saabsan habka ka hortagida dambiyada iyo habraaca Sharciga
Xubno ka socda Booliiska iyo Nabadsugida Caasimada oo ay hoggaaminayaan Saraakiisha labada Taliska, ayaa ka faa'idaysanaya tababarkan oo ku saabsan habka ka hortagida dambiyada iyo habraaca Sharciga, waxaana tababarkan oo uu soo Agaasimay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Galgaduud maxamed cabdi kadiye, bixin doona Qareeno ka yimid Magaalada Muqdisho oo uu hoggaaminayo Abuukaate Ismaciil yusuf xalane.
Gudoomiye Ku xigeenka Amniga Siyaasada Magaalada Dhuusamareeb Cabdi Xaashi caroole iyo Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Galgaduud G/dhaxe Sharmaake Cabdullahi Warsame ayaa Bahda Garsoorka gobolka ku amaanay tababarkaan lagu kordhinayo Xirfada Laamanaha Amniga Caasimada
Gudmooyaha Maxkamada gobolka Galgaduud Maxamed Cabdi kadiye ayaa sharxaad ka bixiye ujeedada ay waqtigaan ugu soo beegeen tababarida laamaha Amniga
Mudo 12 maalmood ah oo tababarkan socon doono ayay Xubnaha Laamaha amniga ka socda ka faa'iideysan doonaan hababka baarista dambiyada iyo ilaalinta sharciga.
laamaha amniga Dhuusamareeb oo loo furay tababar ku saabsan habka ka hortagida dambiyada iyo habraaca Sharciga
Xubno ka socda Booliiska iyo Nabadsugida Caasimada oo ay hoggaaminayaan Saraakiisha labada Taliska, ayaa ka faa'idaysanaya tababarkan oo ku saabsan habka ka hortagida dambiyada iyo habraaca Sharciga, waxaana tababarkan oo uu soo Agaasimay Xafiis