Fanaankii Qaranka Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka, ka dib maalmo uu halkaas ku xanuunsanaa
Waxaa dalka jarmalka ku geeriyooday fanaankii weynaa ee qaranka soomaaliya Cabdi Cali Bacalwaan sida uu xaqiijiyay wariyaha warbaahinta qaranka Maxamed Aweys Muudeey oo si dhow ula socday xaaladiisa.
Rabi ha u naxariistee Bacalwaan ayaa ku dhintay isbitaal ku yaala magaalada Mainz ee jarmalka halkaas oo xanuun loo seexiyay.
Marxuumka ayaa xaaladiisa caafimaad ay liidatay maalmihii u danbeeyay wuxuuna ku jiray xaalad miir la'aan ah.
Cabdi wuxuu ka mid ahaa fannaaniintii ciidanka xoogga dalka la odhan jiray ee uu madaxda u ahaa Cismaan-askari Aadan Xuseen ka hor dowladdii Kacaanka.
Wuxuu ahaa heesaa , mu'allif iyo weliba laxamiiste , laxannadiisa waxa ka mid ahaa midka uu saaray heesta Afrikaay hurudooy oo uu allifay Ismaaciil Xirsi Farxaan , markii koowaaadna ay qaaday Saynab-baxsan Xaaji Cali Siigaale balse ay Magool ku caanbaxday.
Cabdi cali Bacalwaan ayaa ka mid ahaa tiirarkii kooxda qaranka ee hobalada waabari.