Ra'iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo Gaalkacyo ka dhacay

0
Sunday December 20, 2020 - 12:19:20 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo Gaalkacyo ka dhacay

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta ku guddoomiyay shir ku saabsan amniga oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug, Wasaaradaha amniga Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo Taliyeyaasha C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta ku guddoomiyay shir ku saabsan amniga oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug, Wasaaradaha amniga Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo Taliyeyaasha Ciidanka oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiirrada amniga dowladda Federaalka mudane Xasan Xundubey Jimcaale, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim, ayaa ka hadlay arrimihii shirka looga hadlay oo ay ugu horeyso xoojinta Nabadgelyada.

Wasiirka Amniga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ciidamada Qaranka uga tacsiyadeeyay saraakiishii shalay ku shahiiday qaraxii ka dhacay Gaalkacyo, isagoo Ummadda Soomaaliyeed tacsi u diray, Allena uga baryay in uu janadii fardowza ka waraabiyo.

"Nimanka falkaas geystay waa niman Diinta qaloociyay, dalka dumiyay, oo dadka naga laayay oo cudur ah, dadkaasina waa laga guuleysan doonaa gabaabsi ayayna marayaan, howshooda waa gabaabsi, waana laga guuleysan doonaa, ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo bulshada Soomaaliyeed ee Nabadda jecel oo dalkooda iyo diintooda dhisanaya, iyagaa guuleysan doonaā€¯ ayuu yiri Wasiirka Amnniga mudane Xasan Xundubey Jimcaale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip