Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka ee danba Oo Howlgal Lagu Soo qabtay Horjoogayaal Kasameeyay Gobolka Shabeelaha hoose,

0
Saturday December 19, 2020 - 18:22:54 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka ee danba Oo Howlgal Lagu Soo qabtay Horjoogayaal Kasameeyay Gobolka Shabeelaha hoose,

    Howlgalkaani oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka kumaandooska xoogga dalka danab kasameeyeen degaano hoosyimaado degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkaani oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka kumaandooska xoogga dalka danab kasameeyeen degaano hoosyimaado degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.
Howlgalka ayaa ujeedkiisu ahaa baadi goobka horjoogayaal katirsan maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab iyo bur-burinta meelo ay gabaad kadhigtaan.

Ciidanka kumaandooska ayaa howlgalka ka sameeyay Tuulooyinka Galhareeri,Cumar beere, Maguurto baalguri, iyo Bullow, kuwaasi oo hoosyimaado degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose waxeeyna ciidanka kusoo qabteen horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo ku dhuumanyay tuulooyinka ciidanka ay howlgalka ka sameeyeen sidoo kale kumaandooska ayaa bur-buriyay meelo keyn ah oo ay ku dhuumanayeen argagixisada.

Ciidanka ayaa soo qabtay Horjooge Siidoow Mayoow Xaaji iyo kuxigeenkiisa isxaaq oo maleeshiyaadka al-shabaab uqaabilsanaa uruurinta lacagaha baada ah ee ay ka qaadijireen shacabka ku dhaqan tuulooyinka hoosyimaado degmada afgooye sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga Dalka Danab oo howlgalka hogaaminayay Gashanle Axmed Cabdilaahi nuur {beeryare}

Ciidanka xoogga dalka ayaa gobolka dalka kasameeya howlgalo qorsheeysan oo ay ku bartilmaameedsadaan horjooyaasha al-shabaab iyo howgalo ay kaga saarayaan degaanada ay ku dhuumaaleeysanayaan argagixisada.













Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip