Wasiirka Difaaca XFS oo Garoonka Muqdisho ka Sagootiye Ururkii 6Aad ee Kumaandooska Gor Gor''Sawirro''

0
Tuesday December 15, 2020 - 20:50:15 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Difaaca XFS oo Garoonka Muqdisho ka Sagootiye Ururkii 6Aad ee Kumaandooska Gor Gor''Sawirro''

    Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji Saraakiil katirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiisha Turkiga ee Kulliyadda Turksom ayaa garoonka diyaaradaha aadan cadde kusii sagootiyay cutubyo katirsan ciidanka kumaandooska xoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji Saraakiil katirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiisha Turkiga ee Kulliyadda Turksom ayaa garoonka diyaaradaha aadan cadde kusii sagootiyay cutubyo katirsan ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee gor-gor kuwaasi oo ah ururka 6-aad islamarkaasna tababar kuqaatay kulliyadda turksom ee magaalada muqdisho waxayna dalka turkiga kusoo qaadandoonaan tababaro kale oo dheeraad ah.

Wasiirka Gaashaandhigga X.F.S Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Dowlada turkiga uu kaga mahadcelinayo taageeradooda ku aadan sidii uu dhismilahaa Ciidanka Dalka Soomaaliyeed islamarkaasna ciidankan uu yahay ciidan aad utaya sareeya

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ciidanka kumaandooska laga doonayo inay dadkooda iyo dalkooda ka difaacan cadawga Ummadda Soomaaliyeed

Dhanka Kale Wasiirka Difaaca Dalka Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa Dalka kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar kusoo qaatay Dalka Turkiga









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip