Horjoogayaashii Sameeynta Jaakadaha isqarxinta loo adeegsado iyo Horjoogayaal kale oo katirsan Al-shabaab ayay Kumaandooska Kudileen Jubada Dhexe.

0
Sunday December 13, 2020 - 17:59:28 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjoogayaashii Sameeynta Jaakadaha isqarxinta loo adeegsado iyo Horjoogayaal kale oo katirsan Al-shabaab ayay Kumaandooska Kudileen Jubada Dhexe.

    Kadib howlgal qorsheeysan oo ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka kasameeyeen gobolka jubada dhexe ayay kuqaarijiyeen horjoogayaal katirsan maleeshiyaadka al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib howlgal qorsheeysan oo ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka kasameeyeen gobolka jubada dhexe ayay kuqaarijiyeen horjoogayaal katirsan maleeshiyaadka al-shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ku qaarijiyeen horjoogayaashii argagixisada uqaabilsanaa sameeynta jaakadaha iyo suumanka isqarxinta ay u adeegsato kooxdaasi argagixisada al-shabaab .

Kumaandooska sida gaarka ah utababaran ee danab ayaa degmada jilib ee gobolka jubada dhexe kudilay horjooge Muxsin Caliyoow oo kasoo jeeda gobolka waqooyi bari Kenya iyo horjooge Maxamed sheikh kuwaasi oo qaabilsanaa farsameeynta jaakadaha iyo suumanka ay al-shabaab u adeegsadaan isqarxinta iyo labo horjooge oo kale sida ay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegeen saraakiil katirsan kumaandooska xoogga dalka ee danab oo howlgalka hogaaminayay.

Saraakiisha danab ayaa intaasi kudaray duqeeynta iyo howgalka qorsheeysan ee laga fuliyay jilib ujeedkooda inuu yahay kahortaga qaraxyada ay Ummadda Soomaaliyeed kudhibaateeyaan al-shabaab.

10 bishaan December ayay ayaa degmada jilib waxaa kadhacay duqeeyn ay iska kaashadeen ciidanka kumaandooska xoogga dalka iyo howlgalka mareeykanka ee africom duqeeyntaasi oo lagu bur-buriyay warshadii sameeynta qaraxyada ee al-shabaab halkaasi kulahaayeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip