Ciidanka Danab oo Howlgal kula wareegay Xarunta Jabhada Al-shabaab iyo Horjogayaal Ajaanib ah oo la dilay.

0
Saturday December 12, 2020 - 20:49:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Danab oo Howlgal kula wareegay Xarunta Jabhada Al-shabaab iyo Horjogayaal Ajaanib ah oo la dilay.

    Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa Gobolka Shabeelaha hoose kudilay 17-Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal Isugu Somali iyo Ajaanib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa Gobolka Shabeelaha hoose kudilay 17-Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal Isugu Somali iyo Ajaanib.

Howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka Danab kasameeyeen  Degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelaha hoose ayay ku bur buriyeen  Xaruntii  guud ee Jabhadaha kooxda  Al-shabaab.

Xaruntaan ayaa ahayd goob Saldhig u ah maleyshiyaadka Jabhadaha ah ee ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhaxe u daatay Xaruntaan oo Xiligaas ay ku sugnayeen Maleyshiyaad iyo Horjogayaal katirsaneeyd argagixisada.

Ciidanka ayaa halkaasi kudilay 17-maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira kuwaasi oo ay ku jiraan ajaaniib.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Saldhigaan ay Ciidanka Danab weerarka ku qaadeen uu ahaa Xarunta Guud ee waxa ay ugu yeeraan maleyshiyaadka Jabhadaha kooxdaasi.



Sidoo Kale Saraakiisha Danab ayaa sheegay in Dagaalka kooban ee ka dhacay gudaha Saldhiga lagu dilay Maleyshiyaad iyo horjogayaal isugu jira Somali iyo Ajaanib.


Saraakiisha Danab ayaa soo bandhigay Magacyada horjogayaasha lagu dilay Howlgalka waxeeyna kala yihiin Horjooge Suleymaan Abuu Maxfuud oo ahaa kuxigeenka horjoogaha Jabhadaha ama maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab una dhashay Dalka Tanzania,Abuu Yaasir Yaxiid oo heesta dhalashada Suuriya oo kooxdaasi u Qaabilsanaa Amniga Xerada Jabhadaha Al-shabaab, iyo Horjooge Xasan Maxmed Cismaan oo qaabilsan Howlgalinta Maleeshiyaadka  Jabhada Argagixisada.


Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa gabin ahaan bur buriyay  Xarunta Jabhada Nabadiidka Al-shabaab  ku lahayeen Degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelaha hoose.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip