Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xerada ciidanka Xoogga ee Qeybta 27aad ee Lamagalaay (Baladweyne)
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mukhtar Xuseen Afrax ayaa kormeer ku tegay xerada Ciidanka Xooga Dalka ee Qeybta 27 ee magaalada Balaedweyne.
Wasiirku waxa uu u kuurgalay xaaladda ciidanka oo shaqo weyn ka haya degaanka, taas oo ay ugu horeyso ilaalinta amniga iyo badqabka shacabka.
Wasiirku waxa uu warbixin ka dhagaystay saraakiisha ciidanka uu ugu horeeeyo Taliyahaya Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad xoogga dalka Col: Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay iyo saraakiisha kale ee hogaanada kala gadisan.
Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku wareejiyey ciidanka laba neef oo geela, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba laabaan shaqada Qaran iyo Ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan gaar ahaan shacabka Gobolka Hiiraan.