AUN Fanaan Xasan Yare oo KooxdaHorseed Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsanaa oo Muqdisho Ku Geeriyooday.
Xasan Yare, Waxaa uu ahaa tiirarka ay kooxda HorseedCiidanka Xoogga Dalka ku taagan tahay dhanka laxamada iyo Heesaha ay qaado kooxdu,
Abwaano iyo Fanaaniin katirsan golaha abwaanada Soomaaliyeed kooxaha Horseed, Kooxda Heegan, Kooxda Waabari , Kooxda Onkod ayaa tacsi u direy qoyska ehelada iyo asxaabta uu kabaxay Xasan Aadan Cabdulle ( Xasan Yare )
Taliyaha kooxda Horseed oo uu fanaanku ka tirsanaa Cabdullahi nuur Xalweyte iyo abwaan Xasan Nuur Maxamed (Xasan Huburoow) ayaa ka sheekeynaaya taariikhdii faneed ee Xasan yare Allaha u naxariiste.
Abwaan Xirsi Dhuux Maxamaed Wehliye, gudoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa asna uga tacsiyeeyay, fanaaniinta, ehelada iyo dowlada Soomaaliyeed geerida Xasan Yare.
Allah u naxariistee, Xasan Yare, waxa uu ahaa laf-dhabarka kooxda Horseed maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qeybgalay bahda fanka Soomaaliyeed.
AUN Fanaan Xasan Yare oo KooxdaHorseed Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsanaa oo Muqdisho Ku Geeriyooday.
Allaha u naxariistee, Xasan Aadan Cabdulle ( Xasan Yare ) oo ka tirsanaa hoboladda Horseed ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa magaalada Muqdisho ugu geeriyooday xanuun dhanka wadnaha ah, iyadoo kooxaha fanka Soomaaliyeed ka tacsiyeeyeen geeridiisa.