Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kormeer Shaqo Kutagay Demada Walan-weeyn Ee Gobolka Shabeelaha hoose.

0
Saturday December 05, 2020 - 20:45:43 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kormeer Shaqo Kutagay Demada Walan-weeyn Ee Gobolka Shabeelaha hoose.

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yusuf Raage ayaa kormeer shaqo kutagay saldhigyada ciidanka xoogga dalka ee degmada walan-weeyn gobolka shabeelaha hoose ujeedka kormeerkiisa degmada walan-weeyn ayaa ahaa sidii uu ugu kuurg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yusuf Raage ayaa kormeer shaqo kutagay saldhigyada ciidanka xoogga dalka ee degmada walan-weeyn gobolka shabeelaha hoose ujeedka kormeerkiisa degmada walan-weeyn ayaa ahaa sidii uu ugu kuurgalilahaa xaalada guud ee ciidanka xoogga dalka ee halkaasi kusugan iyo sidii uu ugu dhiirigalinlahaa dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaadka argagixisada ah.

Xerada ururka 64-aad guutada 7-aad qeybta 60-aad xoogga dalka oo kamid ahayd goobaha uu soo kormeeray taliye odawaa ayuu ka xaalwareeystay saraakiisha ciidanka xoogga ee kusugnaa xeradaasi xaalada guud ee nabadgalyada iyo tan ciidanka isaganoo ku amaanay ciidanka halkaasi kusugan sida ay ugu guuleeystay inay xaqiijiyaan amniga degmadaasi iyo degaanada hoosyimaada.

Jeneraal odawaa yuusuf raage taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa ku booriyay ciidanka inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan xaqiijinta amniga degmda walan-weyn iyo degaanada hoosyimaado iyo ladagaalanka argagixisada al-shabaab.

Taliyaha ayaa ugu dambeeyn kula dardaarmay ciidanka had iyo goor inay kudadaalaan kawarqabka shacabka gaar ahaan kuwa dantayar.

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip