Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhiga Oo Xilka Lawareegay,
Munaasabadda ayaa lagu daahfuray aayadaha qur’aanka kariim daqiiqado ka dibna waxaa goobta ku soo bandhigay suugaan ka tarjumeysay muhiimadda uu garsoorka u leeyahay iyo waxqabadka wasaarada gaashaandhiga iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed Kooxda Fanaaniinta Horseed .
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ahna ku xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga S/Guuto Cabaas Amiin Cali ayaa aad u soo dhaweeyay wasiirradda cusub ee gaashaandhiga loo soo magcaabay waxa uuna u rajeeyay inuu ilaah u fududeeyo masuuliyadda culus ee saran ku wii horana ku amaanay heerka wanaagsan ee ay wax soo gaarsiiyeen..Cod…Taliye Xigeen
Wasirkii Hore Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Xasan Cali Maxamed (Amardambe) oo faahfaahin ka bixiyay heerarkii kaladuwanaa oo ay soo martay wasaaradda inta uu wasiirka ka ahaa iyo sidii qiimaha badneyd oo wada shaqeynta u dhexmartay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka cusub ee wasaaradda gaashaandhiga Xasan Xuseen Xaaji oo hadal ka jeediyey munaasabaddaa ayaa sheegay in uu qorsheynayo xoojinta iyo tayeenta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, si loo adkeeyo difaaca dalka muhiimna ay tahay in la dhiso ciidamo xooggan oo xoogga dalka ah.
Gabagabada munaasabada oo uu hadalka qaatay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka xukuumadda fedraalka soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa uga mahadceliyay masuuliyiintii hore ee wasaaradda gaashaandhiga heerka wanaagsan oo ay soo gaarsiiyeen, wasiiradda cusubna wuxuu kula dardaarmay iney la yimaadaan hufnaan iyo shaqo waagsan
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS S/Guuto Maxamed Tahliil Biixi, (Shariif) ayaa maanta isaguna xilka ula wareegay munaasabadda xil wareejintaasina waxaa goob jog ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cabaas Amiin Cali iyo qaar ka mid ah madaxda hoggaanadda kala duwan ee Ciidanka Xoogga.
By,,Omar Mohamad Kulmie
Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhiga Oo Xilka Lawareegay,
Munaasabada xil wareejinta waxaa ka soo qeybgalay Raisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar, Wasiiradii hore ee gaashaandhiga iyo kuwa cusub, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga S/Guuto Cabaas Amiin