Ciidanka Xoogga Dalka Oo Maleeshiyaad Katirsan A-shabaab Kudilay Gobolka Baay,
ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa u ruqaansaday duleedka degmada qansax-dheere gobolka bay oo magaalada baydhabo dhanka koonfureed kaga beegan 90 Km. halkaasi oo ay kawarheleen ineey kudhuumaaleeysanayaan maleeshiyaad katirsan al-shabaab ciidanka xoogga dalka ayaana qasaare xoogan gaarsiiyeen maleeshiyaadkii duumaaleeysanayay.
Ciidanka ayaa argagixisada al-shabaab kadilay 9-maleeshiyaad ah iyagoo sidookale kadhaawacy 6 kale kadib markii ay isku dayeen ineey dagaalamaan balse ciidanka xoogga dalka ayaa baacsaday maleeshiyaadka kuwaasi oo ubaxsaday dhulka howdka ah.
Ciidanka xoogga dalka ayaa haatan kudaba jira baxsadka maleeshiyaadka al-shabaab sida uu kusoo waramayo wariyaha Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Qeybta 60-aadm Feeysal dhaayoow.
Ciidanka xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada lagu baacsanayo argagixisada kuwaasi oo qasaarooyin kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha al-shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka Oo Maleeshiyaad Katirsan A-shabaab Kudilay Gobolka Baay,
ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa u ruqaansaday duleedka degmada qansax-dheere gobolka bay oo magaalada baydhabo dhanka koonfureed kaga beegan 90 Km. halkaasi oo ay kawarheleen ineey kudhuumaaleeysanayaan maleeshiyaad katirsan al-shabaab ciidan