Heshiis Nabadeed oo beelo walaala ah ku dhexmaray Matabaan

0
Sunday October 25, 2020 - 17:28:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiis Nabadeed oo beelo walaala ah ku dhexmaray Matabaan

    Saraakiisha Ciidamada Booliska dagmada Mataban iyo Galmudug ayaa ka qayb galay heshiis nabadeed oo ay deegaanka bacda ee duleedka Matabaan ee gobolka Hiiraan ku gaareen beelo halkaas wadadaga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha Ciidamada Booliska dagmada Mataban iyo Galmudug ayaa ka qayb galay heshiis nabadeed oo ay deegaanka bacda ee duleedka Matabaan ee gobolka Hiiraan ku gaareen beelo halkaas wadadaga.

Maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha heshiiska gaaray ayaa maalmo ka hor iska horimaad sababay dhimasho waxaa ay ku dhaxmaray deegaanka bacda ee duleedka Matabaan, waxaana markii dambe kala dhexgalay ciidanka Xoogga dalka.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in mudo bil ah lagu bixiyo diyada dadkii ku dhintay dhacdooyinkii dhacay todobaadkii hore, sidoo kale odayaasha labada dhinac iyo laamaha amniga ayaa ku ballamay in la ilaaliyo nabadda oo laga fogaado wax kasta oo keeni kara in ay soo laabtaan dilalka la xiriira aanooyinka qabiil.

Saraakiisha ka socotay ciidamada Booliska ee dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Hir-shabeelle ayaa faray labada dhinac inay dhaqan galiyaan hishiiska ay gareen, islamarkana dadka daggan degaannada lagu dagaalamay ay nabad kuwada noolaadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip