Ciidanka amniga oo soo afjaray howlgalkii ka socday Xabsiga Dhexe

0
Monday August 10, 2020 - 23:08:41 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka amniga oo soo afjaray howlgalkii ka socday Xabsiga Dhexe

    Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan howlgalkii ka socday gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho,sida uu Warbaahinta Qarankau sheegay afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan howlgalkii ka socday gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho,sida uu Warbaahinta Qarankau sheegay afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

Howlgalka ayaa ka dambeeyey kadib markii qaar kamid ah maxaabiista xabsiga Dhexe ay halkaasi shaqaaqo ka sameeyeen gelinkii dambe ee maanta,iyadoo ciidamadu ay toogteen qaar kamid ah dadkii maxaabiista ahaa ee shaqaadadaasi ku lug lahaa.

Ilaa 6 kamid ah maxaabiistii dagaalamaysay ayaa goobtay lagu toogtay,4 ayaa la qabtay,iyadoo ay dhaawacmeen 6 kale, oo ragii dagaalamay kamid ah,Waxaa goobta ku sugan ciidamada amniga iyo saraakiishooda,iyadoo weli ay socoto xaqiijin ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee shaqaaqaddaasi ka dhashey

Xaaladda ayaana haatan ku soo laabatay si caadi ah,waxaana lafilayaa in laamaha ammaanku ay war rasmi ah ka soo saaraan sida ay wax u dheceen.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip