Ra'iisul Wasaare Khayre: Muddo Kordhintu Waxay Horseeddaa Qalalaase Siyaasadeed, Mid Amni Iyo Mid Dastuur

0
Thursday July 09, 2020 - 23:01:27 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Khayre: Muddo Kordhintu Waxay Horseeddaa Qalalaase Siyaasadeed, Mid Amni Iyo Mid Dastuur

    Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudaneXasan Cali Khayreoo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudaneXasan Cali Khayreoo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

"Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur", ayuu Ra'iisul Wasaaruhu yiri.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip