Taliska qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka oo digniin adag u jeediyay askar dhawaan ku dagaalantay Jowhar "SAWIRRO"

0
Wednesday July 08, 2020 - 19:13:34 in Wararka by
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka oo digniin adag u jeediyay askar dhawaan ku dagaalantay Jowhar "SAWIRRO"

    Taliska qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiisha booliska Hirshabeelle iyo maamulka Gobalka Shabelaha Dhexe ayaa socdaal wacyi galin ah ugu tagay ciidamo ka kala tirsan booliska Hirshabeelle iyo kuwa Madaxtooyada Hirshabeelle, kuwaaso dhawa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiisha booliska Hirshabeelle iyo maamulka Gobalka Shabelaha Dhexe ayaa socdaal wacyi galin ah ugu tagay ciidamo ka kala tirsan booliska Hirshabeelle iyo kuwa Madaxtooyada Hirshabeelle, kuwaaso dhawaan shaqaaqo ay ku dhex martay magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabelaha Dhexe.

Taliyaha booliska Hirshabeelle Xasan Dhicisow Xasan oo hadalo u badnaa wacyi gelin ujeediyay askarta oo hal goob kuwada sugna xiliga ay booqanayeen saraakiisha iyo mas’uuliyiinta, waxana Taliyaha uu sheegay in Askarta looga baahanyahay in meel ay ugu soo wada jeestan ladagaalanka kooxaha Nabad diidka ah ee Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga Dalka Jenaraal Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadin doonaan askarigii ka qeyb gala dagaal qabiil, isla markaana ay maxakamadda ciidamada qalabka sida horgeyn doonaan

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Maamulka Gobalka Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow ayaa qeybaha kala duwan ee saraakiisha kaga mahadceliyay xal u helidda shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Jowhar.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip