Ciidamada Amaanka oo maanta ka hortagay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay

0
Saturday July 04, 2020 - 11:21:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Amaanka oo maanta ka hortagay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay

    Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo Saakay lala beegsaday waaxda ilaalada Canshuuraha Biriga oo ku taalla kasoo horjeedda Dekedda Muqdisho gaar ahaan Dhabarka dambe ee Xarunta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo Saakay lala beegsaday waaxda ilaalada Canshuuraha Biriga oo ku taalla kasoo horjeedda Dekedda Muqdisho gaar ahaan Dhabarka dambe ee Xarunta degmada Xamarjajab.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Shan ruux oo ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka ilaalinayay xarunta.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska rasaas ku fureen ka hor inta uusan soo gaarin xarunta Ilaaladda Canshuuraha, islamarkaana uu ku geeriyooday kaliyah qofkii waday gaariga Qarxay.

Afhayeenka ayaa nooca gaariga qarxay ku sheegay in uu ahaa kuwa raaxada ee loo yaqaana Surf Madow ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip