Maxkamada ciidanka qalabka sida oo xukunno isku jira dil iyo xabsi ciidan ku riday afar qof oo ku eedeeysanaa dilki taliyihi ciidanka Gorgor

0
Wednesday May 13, 2020 - 20:11:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada ciidanka qalabka sida oo xukunno isku jira dil iyo xabsi ciidan ku riday afar qof oo ku eedeeysanaa dilki taliyihi ciidanka Gorgor

    Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta go'aan ka gaaray kiiska maxkamadeynta 4 qof oo loo haystay dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor Maxaadeey Suleymaan, oo ay dileen ilaalada Hotel Maa'ida Ex-Naasahablood 2, 19-kii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta go'aan ka gaaray kiiska maxkamadeynta 4 qof oo loo haystay dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor Maxaadeey Suleymaan, oo ay dileen ilaalada Hotel Maa'ida Ex-Naasahablood 2, 19-kii October 2019.

Maxkamadda ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday afar nin oo ka shaqeysa Hotel Ma’ida Ex Naasahablood 2 oo ku eedeysnaa dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur ayaaa sheegay in xukun dil toogasho lagu riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo ah qisaasta Maxaadeey Saleebaan iyo Askarigii illaalada u ahaa ee la socda, halka labada kale lagu xukumay min 5 Sano oo xabi Ciidan ah.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa go’aamisay in dilka Taliyihii hore ee Gorgor uu ahaa mid ku tala gal ah, iyadoo la soo bandhigay afartii qori ee Ilaalada heysteen iyo fooqa rasaasta lagu dilay Marxuumka iyo caddeymo kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi inay u furan tahay qaadashada Racfaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip