Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgal Qorsheeysan Kasameeyay Degaan 50-KM ujira Degmada Bu'aale,

0
Sunday May 10, 2020 - 20:49:59 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgal Qorsheeysan Kasameeyay Degaan 50-KM ujira Degmada Bu'aale,

    Howlgalkani qorsheeysan ayaa waxaa fuliyay ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee danab waxaana ujeedkiisu ahaa in lagu bartilmaameedsado shir horjoogayaasha maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab ay ku lahaayeen degaanka Caraboow oo 50-km ujira deg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkani qorsheeysan ayaa waxaa fuliyay ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee danab waxaana ujeedkiisu ahaa in lagu bartilmaameedsado shir horjoogayaasha maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab ay ku lahaayeen degaanka Caraboow oo 50-km ujira degmada bu'aale ee gobolka jubada dhexe.

Ciidamada kumaandooska ayaa cagta mariyay halkii uu shirka kadhacayay waxaana ay argagixisada gaarsiiyeen qasaare xoogan.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in ciidanka ay dileen sadax horjooge oo mid kamid ah uu kasoo jeedo dalka Maali, kaasi oo lagu magacaabo (Abuu Ayman)

Sidookale taliyaha ayaa tilmaamay in magacyada labada horjooge ee kale oo Soomaali ah ay dib kasoo sheegidoonaan.

Ciidanka xoogga dalka ayaa kordhiyay howgalada kadhanka ah maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab kuwaasi oo kasocda gobolada dalka oo dhan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip