Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa Faarujiyay Degaanka Mubaarak Ee Gobolka Shabeelaha hoose,
Kadib markii ay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed howlgalo kabilaabeen inta badan tuulooyinka hoosyimaada degmada aawdheegle gobolka shabeelaha hoose ayay maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab isaga baxeen degaanka mubaarak oo kamid ah degaanada wax soo saarka beeraha ku caanka ah.
Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee gor-gor iyo danab ayaa wada howlgalo ay ku ciribtirayaan maleeshiyaadka firxadka ah ee argagixisada al-shabaab howlgaladaasi oo ay kawadaan degaanada hoos yimaado aawdheegle,
Taliyaha Guutada 16aad kumaandooska xoogga dalka danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in maleeshiyaadka al-shabaab ay soo wajahday caqsi xoogan oo kasoo wajahday ciidanka xoogga dalka.
Taliyaha ayaa xusay argagixisada inay bilaabeen inay faarujiyaan goobihii fara kutiriska ah ee ay kudhuumaaleeysanayeen islamarkaasna meel walbka ay ku baacsandoonaan.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa Faarujiyay Degaanka Mubaarak Ee Gobolka Shabeelaha hoose,
Kadib markii ay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed howlgalo kabilaabeen inta badan tuulooyinka hoosyimaada degmada aawdheegle gobolka shabeelaha hoose ayay maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab isaga baxeen degaanka mubaarak oo kamid ah degaanada wa