Afhayeenka Booliska soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay howlgal ay xalay abaara 12:00 Habeenimo ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku soo qabteen tiro hoobiyaal oo gaarayo ilaa iyo 140 xabo oo isugu jiro kuwa garbaha laga tuuro iyo kuwa laga sameeyo Baaruudda qaraxda.
Geesiyaasha Xooga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah weerarkii ay ka fuliyeen Degmada Galhareeri ee Gobalka Galgaduud waxaa lagu dilay in ka badan 25 Maleeshiyaad ah oo Argagixisada ka tirsan.
Ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka gaar ahaan ururka 163'-aad ee guutada 16'aad ayaa biyo dhaamin ah u sameyey dadkii ay khawaariijtu ka barakacisay degaanka Caad Ee koonfurta gobolka Mudug.
Sareeyo Guuto Axmed Aadan Cali Taliyaha Ciidanka LUGTA ee XDS Waxa uu ku dhashay Degmada Balad xaawo ee Gobolka Gedo Sanadka Marka uu ahaa 1969 kii. Waxbarasadiisa Aas Aasiga waxaa ku soo qaatay Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.
Allaah U Naxariistee S/Guuto Ibraahim Aadan Yarow, waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose Sanadkii 1964-kii, waxa uu ku soo barbaaray oo uu qur'aanka kariimka ku soo bartay Degmada Afgooye sidoo kale waxa uu waxbarashadiisa aasaasiga iyo tan dugsiga saraba ku qaatay Dugsii Lafoole.
Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horumarkiisa waa dhallinyarada oo aan looga maarmin difaaca ama ilaalinta dadka iyo dalka,kuwaas oo haddii la waayo waxqabadkooda keeni karta gaabis ama dib u dhac kale oo ku yimaada dhanka ilbaxnimada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.